Waa heshiiskii isfahamka ahaa e ay kala saxiixdeen labada dal Soomaaliya iyo Kenya oo aan idiinku soo turjunay afka Soomaaliga:
By A/K Dholayare..

FARIIN IS FAHMIYEEDKA U DHEXEEYA DAWLADA KALAGUURKA FEDERAALKA KU MEELGAARKA AH EE JAMHUURIYADA SOOMAALIYA IYO DAWLADA JAMHUURIYADA KENYA INAY ISU OGOLAADAAN IYADOO WAX DIIDMO AH AYSAN KU JIRIN LANA TIXRAACAYO XADIDAADA KA BAXSAN BALAARINTA DHULBADEEDKA (SARIIRTA BADA) EE LA DARISKA AH WIXII KA BAXASAN XUDUUDA XEEBTA EE 200 OO MAYL INAY U GUDBIYAAN GUDI XADIDEEDKA QAABILSAN XADIDAADA WIXII KA BAXSAN XADKA BALAARINTA DHUL BADEEDKA.

Dowlada xiliga kala guurka federaalka ku meelgaarka ah ee jamhuuriyada Soomaaliya iyo dowlada jamhuuriyada Kenya, iyagoo xoojinya iskaashiga iyo isfahamka guud ayaa waxay ku heshiiyeen inay soo gunaanadaan fariintan isfamka ah.

Dib u calaamadaynta xadidaada ka baxsan balaarinta dhulbadeedka ee u dhexeysa jamhuuriyada Kenya iyo jamhuuriyada Soomaaliya oo sidoo kale wada jir ahaan loogu tixraaco labada wadan ee xeebley ah, wali xal lagama gaarin. Arintan dib u calaamadaynta xuduuda bada ee labada wadan ee xeeblayda ah waa in loo aqoonsadaa "muran xad badeed". Sheegashada labada wadan ee xeeblayda ah waxay muujinyaan siyaadsasho dhulbadeed ka baxsan xadidaada balaarinta dhulbadeedka taas oo isugu soo biyo shubanaysa "dhul lagu muransanyahay".

Labada wadan ee xeeblayda ah way ka warqabaan aasaasitaanka xadidaada ka baxsan balaarinta dhulbadeedka ee la dariska ah wixii ka baxsan xeebta 200 oo Mayl ay tahay mid aan go'aan laga gaari Karin su'aasha ah dib u calaamadaynta balaarinta dhulbadeedka ee la dariska ah wixii ka baxsan xuduuda xeebaha ee labada wadan u dhaxaysa ee ka soo horjeeda ama la dariska ah.

Maadama labada wadan ee xeeblayda ah ay leeyihiin danno ay ku kala duwan yihiin oo la xiriira dib u calaamadaynta dhulbadeedka ee meesha lagu muransan yahay, waxay leeyihiin danno xoog leh oo la xiriira aasaasitaanka calaamadaynta dhulka ka baxsan xadidaada ee xuduuda xeebta ee 200 oo Mayl iyadoon lahayn iska warqab labada wadan u dhexeysa oo laga gaaro dib u calamaadaynta dhulbadeedka xadidan ee u dhexeysa labada wadan. Iyadoo arintan laga ambo qaadayo labada wadan ee xeeblayda ah waxaa ka go'an inay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan inay wada difaacaan isla markaana ay sare u qaadaan danahooda guud ee la xiriirata aasaasitaanka xadidaada ka baxsan balaarinta dhulbadeedka (sariirta bada) ee la dariska ah wixii ka baxasan xuduuda xeebta ee 200 oo mayl.

Ka hor 13ka May 2009ka, Maamulka kala guurka Federaalka ku meelgaarka ee jamhuuriyada Soomaaliya waxay u gudbinaysaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay warbixin hordhac ah oo cadayn u ah xadidaada dhulbadeedka ka baxsan xuduud badeedka ee 200 oo Mayl, soo gudbintan waxaa ku jiri kara dhulka lagu muransan yahay.

Waxaa kaliya oo looga dan leeyahay in la soo buuxiyo mudada wakhtiyaysan ee ku xusan maqaalka 4aad ee farqada IIaad, ee heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga badaha (UNCLOS). Saamayn kuma yeelan doonto labada wadan ee xeebleyda ah aragtiyadooda ay ka kala qabaan arinta muran badeedka ee u dhexeysa labadooda. Saamayna kuma yeelan doonto dib u calaamadayn la sameeyo mustaqbalka oo dhex marta xuduuda bada ee meesha lagu muransanyahay, taas oo ay ku jirto dib u calaamadaynta xadidaada ka baxsan balaarinta dhulbadeedka (sariirta bada) ee la dariska ah wixii ka baxasan xuduuda xeebta ee 200 oo mayl.

Isfahamkan jamhuuriyada Kenya wax muran ah kama qabto inay jamhuuriyada Soomaaliya ku darsato qoraalka ay gudbinayso dhulka lagu muransanyahay oo ay ku gudbistaan warbixintooda hordhaca ah taas oo cadayn u ah xuduuda ay yeelanayso xadidaada ka baxsan balaarinta dhulbadeedka (sariirta bada) ee la dariska ah wixii ka baxasan xuduuda xeebta ee 200 oo mayl.

Labada wadan ee xeebleyda ah waxay ku heshiiyeen arinta Kenya ee mudada ka horeysa 13 May 2009ka in mid walbaaba uu si gaara ah u gudbisto una gudbiyo gudiga xadidaada badaha ka baxsan xuduuda taas oo laga tixraacayo gudiga oo ay ku jiri karto dhul badeedka lagu muransan yahay, iyagoo gudiga waydiisanaya inay talooyin ka soo bixiyaan arinta la xiriirta xadidaada ka baxsan balaarinta dhulbadeedka (sariirta bada) ee la dariska ah wixii ka baxasan xuduuda xeebta ee 200 oo mayl. Iyadoon la tixgalinayn dib u calaamadayn u dhexeysa xuduuda labada wadan u dhexeysa.

Labada wadan ee xeeblayda ah waxay bixinayaan ogolaanshahooda inay tixgaliyaan gudiga la socodsiinta ee dhulka lagu muransan yahay.

Soo gudbintan la soo hordhigay gudiga iyo soo jeedimaha ay gudugu ogolaadeen saamayn kuma yeelan doonto heerka ay kala joogaan labada wadan ee la xiriirta dhulka bada ee lagu muransanyahay, saamayn sidoo kale kuma yeelan doonto dib u caalamadaynta mustaqbalka ee xuduudaha badaha ee ay labada wadan ku muransanyihiin. Taas oo ay ku jirto dib u calaamadaynta xadidaada ka baxsan balaarinta dhulbadeedka (sariirta bada) ee la dariska ah wixii ka baxasan xuduuda xeebta ee 200 oo mayl.

Dib u calaamadaynta xuduud badeedka dhulka lagu muransan yahay oo ay ku jirto xadidaada ka baxsan balaarinta dhulbadeedka (sariirta bada) ee la dariska ah wixii ka baxasan xuduuda xeebta ee 200 oo mayl, waa in ay ku heshiiyaan labada dal iyagoo raacaya sharuucda caalamiga ah marka uu gudigu soo gabagabeeyo baaritaanadooda la xiriira warbixinada ay sida kala goono goonida ah ay gudiga ugu gudbiyeen labada dali, iyo taloyinka ay ka bixiyeen in la helo oo la aasaaso xuduuda xadidaada ka baxsan balaarinta dhulbadeedka (sariirta bada) ee la dariska ah wixii ka baxasan xuduuda xeebta ee 200 oo mayl.

Isfahamkani wuxuu dhaqalgalayaa markii la saxiixo.

Iyadoo ka marqaati kacaysa, saxeexayaasha hoos ku xusan waxaa awood u siiyay dawladahooda, ayay saxiixeen ogaysiintan isfahamka ah.

Ka dhacday Nayroobi, maalintan ay tahay April 7da ee labada kun iyo sagaalka iyadoo labada nuqulba ay af ingiriisi yihiin si isku mid ah waa xaqiiq.


Dawlada Federaalka
Ku meelgaarka ah
Mudane: Cabdiraxmaan cabdishakur warsame
Wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo xiriirka caalamiga ah


Mudane: Moses Wetang'ula
EGH MP wasiirka arimaha Dibada Kenya.